Sunday, February 15, 2026
25.9 C
Mogadishu

Maxaa looga hadlay Shirkii maanta Golaha Wasiirrada ee Puntland +(Arrimo badan oo xasaasi ah)

Garoowe (Halqaran.com) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Shir guddoomiyey Shirka Golaha Wasiirada ee Dowlad Goboleedka Puntland oo ku qabsoomay aalada maqalka iyo muuqaalka la isaga arko ee Zoom-ka.

Shirka Golaha Wasiirrada Puntalnd waxaa todobaadkan looga hadlay Amniga, Xaaladda Covid-19, Imtixaanaadka Shahaadiga ah ee Puntland iyo nabadeynta beelaha.

Wasaaradda Amniga iyo DDR-ta ee Puntland ayaa Golaha la wadaagtay xaaladda Amniga guud ee Puntland oo wanaagsan, iskaashiga amni ee Puntland iyo Galmudug iyo qorshaha tayeynta ciidamada ee ka socda Gobolka Mudug.

Wasaaradda Caafimaadka ayaa Golaha la wadaagtay xaaladda Covid-19 ee Puntland, waxay Wasaaradu sheegtay in uu jiro hoos u dhac dhinaca kiisaska ah, Wasaaradda ayaa soo jeedisay in weli loo baahanyahay in ay sii jirto xaaladda feejignaanta ah oo bulshadu is illaaliso iyagoo raacaya talooyinka caafimaad.

Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee Puntland waxay Golaha la wadaagtay diyaar-garowga ugu danbeeyay Imtixanaadka oo ardeydu u fariisan doonto subaxda sabtida 04 Luulyo 2020.

Ardeyda Imtixaanka waxaa u fariisan doona 16,500 oo ardey, 5,447 ardey waa Dugsiga Sare halka 11,053 ardey ay u fariisan doonaan Imtixaanka fasalka 8-aad.

Imtixaanaadka oo lagu qaban doono 132 goobood oo ku yaalla deegaanada Puntland, waxaa dhinac socda taxadar ku saabsan cudurka covid-19, iyadoo la diyaariyey in ardeydu ay helaan qalabka ka hortaga covid-19 , dareeraha jeermiska dila iyo in lala socdo heerka xumadooda.

Wasaaradda Xanaanada Xoolaha ayaa Golaha la wadaagtay xaaladda caafimaad ee xoolaha Puntland, qorshayaasha guuleystay ee lagu talaalay xoolaha iyo in la diyaariyey gaadiid daawooyinka xoolaha ugu geeyo dhulka fogfog si loo hubiyo xaaladda caafimaad ee xoolaha.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Puntland ayaa Golaha la wadaagtay shirarka nabadeynta ee ka socda Galdogob iyo Cawsane-Sanaag, kuwaasi oo meel wanaagsan maraya. Sidoo kale waxay Wasaaraddu Golaha la wadaagtay in uu bilowmayo mashruuca horumarinta degmooyinka Puntland ee (JPLG).

Golaha wasiirrada Puntland ayaa ugu dambeyn bogaadiyey, sida ay u socoto howsha dayactirka wadada isku xirta Boosaaso iyo Garoowe oo hadda la dhisay 4-tii KM ee ugu horeysay, Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa hore u balan qaaday in Dowladdu dayactirayso wadooyinka ku burburay roobabkii sanadka ka da’ay Puntland.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...