Sunday, May 10, 2026
28.2 C
Mogadishu

Rag ka tirsan Al-Shabaab oo isku soo dhiibay KG oo lagu soo bandhigay Baydhabo

Baydhabo (Halqaran.com) – Taliska Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed gaar ahaan qeybta 60aad ee ka howlgalla deegaannada Maamulka Koonfur Galbeed ayaa Talaadadii maanta Magaalada Baydhabo ku soo bandhigay Saddex Dhallinyaro ah oo ka tirsanaa Ururka Al-Shabaab, balse isku soo dhiibay Ciidamada.

Raggan oo Magacyadooda lagu kala sheegay Maxamed Maadey Manuur oo magaciisa Afgarashadu yahay ( Xanad), Ibraahim Maxamed Ibraahim & Adan Cali Xuseen ayaa waxaa Baydhabo kusoo dhaweeyay Saraakiil katirsan Ururka 47aad Guutada 8aad ee Qeybta 60aad ee Ciidanka Xoogga Dalka, kuwaas oo markii hore la soo xiriireen.

Saraakiisha Ciidamada ayaa sheegay in raggaan ay muddo dhowr sano ah ka tirsanaayeen Ururka Al-Shabaab ayna ka soo dagaallameen meelo badan oo dalka ah, hayeeshee ugu dambeyn ay isaga soo tageen Ururka Al-Shabaab.

Saddexda Xubnood ee katirsanaa Al-Shabaab oo dhankooda Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in sababaha ay uga soo tageen Al-Shabaab ay tahay inay u adkeysan waayeen dhibaatooyin ay ku hayaan Shacabka Soomaaliyeed.

Saraakiil katirsan Ururka 46aad Guutada 8aad ee Qeybta 60aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa dhankooda waxaa ay ugu baaqeen Xubnaha kale ee weli ka barbar dagaalamaya Al-Shabaab inay isaga soo tagaan, isla markaana ay soo dhaweyn doonaan.

Ugu dambeyn, bilihii la soo dhaafay ayaa waxaa deegaannada Koonfur Galbeed ku batay Xubnaha katirsan Al-Shabaab ee isku soo dhiibaya qeybt 60aad ee Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...