Sunday, December 14, 2025
26.5 C
Mogadishu

Duqa Muqdisho ‘Cumar Filish’ oo la kulmay Madaxda hay’adda WHO

Muqdisho (Halqaran.com) – Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wafdi sare oo ka socday hey’adda Caafimaadka aduunka ee WHO iyo Hey’adda UNICEF oo uu hogaaminayay Madaxa hey’adda u qaabilsan Barig iyo Bartamaha Afric Mr. Xasan Qumural.

Duqa Muqdisho Cumar Filish iyo madaxda Hey’adda WHO ayaa ka wada hadlay sidii loo xoojin lahaa horumarinta adeegyada Caafimaadka gobolka Banaadir oo haatan ay si buuxda ula wareegtay Dowlada Hoose ee Xamar, iyadoo kulankan ay goob joog ka ahaayeen Agaasimaha Caafimaadka gobolka Banaadir iyo Agaasimaha guud ee arimaha bulshada maamulka gobolka Banaadir.

Madaxa hey’adda Caafimaadka u qaabilsan Barig iyo Bartamaha Afric Mr. Xasan Qumural ayaa ku amaanay maamulka gobolka Banaadir horumarka ay ka sameeyeen dhinac Talaalka sida Dabeesha, Jadeecada, Qaaxada, Nafaqa la’aanta iyo COVID-19.

“ Waxaan idin ku amaanaya horumarka aad ka sameyseen dhinaca Caafimaadka oo ah da’daal muuqdo, anaga dhinaceena waxaan diyaar u nahay taageera dhan walba ah oo lagu xoojinaayo Caafimaadka Soomaaliya gaar ahaan kan Muqdisho”

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa ugu mahadceliyay Hey’addaha WHO iyo UNICEF garab istaaga ay u muujiyeen maamulkiisa muda uu xafiiska joogay.

“Si gaar ah ayaan idin kaga mahadcelinaaya sida aad u taageerteen maamulka gobolka Banaadir gaar ahaan dhinaca Caafimaadka iyo Barakacyaasha oo horumar badan laga sameeyay waxaana diyaar u nahay in aan sii socodsiino mashaariicda adeegyada aas aasiga la xariira”.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...