R/Wasaare Rooble oo u hambalyeeyay Guddoomiye ku-xigeennada koowaad & Labaad ee BFS

Muqdisho  (Halqaran.com) – Ra’iisul Wasaaraha XF Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa hambalyo u  diray guddoomiye ku-xigeenka 1aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo loo doortay Xildhibaan Sacdiyo Yaasiin Xaaji Samatar

Ra’iisul Wasaaraha ayaa yiri

“Waxaan u hambalyeynayaa Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Golaha Shacabka BJFS Xildhibaan Sacdiyo Yaasiin Xaaji Samatar oo caawa la doortay.

Waxaan Eebbe uga baryayaa in uu la garab galo mas’uuliyadda qaran ee culus ee loo doortay.

Maadaama Guddoomiye Sacdiyo tahay gabadhii ugu horreysay ee qaranka Soomaaliyeed u qabata xilkan sare ee muhiimka ah, sidaas darteed waxaan hambalyada la qeybsanayaa guud ahaan haweenka Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan, anigoo guddoomiye ku-xigeenka iyo haweenka Soomaaliyeedba u rajeynaya horumar iyo guulo joogto ah”.

Sidoo kale, R/Wasaaraha XF Somaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa hambalyo u diray guddoomiye ku-xigeenka 2aad ee BF Soomaaliya oo loo doortay Xildhibaan Cabdullaahi Cumar Abshirow.

“Hambalyo ayaan leeyahay  Xildhibaan Cabdullaahi Cumar Abshirow oo loo doortay guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha Shacabka BJFS. Waxaan Alle uga baryayaa in uu u fududeeyo mas’uuliyadda weyn ee loo igmaday”.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com