Thursday, April 23, 2026
27.7 C
Mogadishu

Soomaaliya oo dib uga furatay Safaaraddeeda waddanka Rwanda

Rwanda (Halqaran.com) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay in dib Safaaraddeedii uga furatay dalka Rwanda, iyadoo la fulinayo heshiiskii 26 Janaayo ay kala saxiixdeen Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Soomaaliya, Cabdisaciid Muuse Cali iyo Dhiggiisa Rwanda, Dr. Vincent Biruta.

Danjire Sahra Cali Xasan ayaa warqadaheeda aqoonsiga danjirannimo ku wareejisay Madaxweynaha Rwanda, Mudane Paul Kagame , 26 bishan April, iyadoo ka ah Safiirka Soomaaliya ee Jamhuuriyadda Rwanda.

Sidoo kale, Danjire Sahra Cali ayaa nuqul ka mid ah warqadaheeda aqoonsiga danjirannimo ku wareejisay Wasiirka Arrimaha Dibadda Rwanda 25 bishan April.

Soomaaliya ayaa xoojinaysa xiriirka kala dhexeeya Rwanda, waxaana tallaabadan diblomaasiyadeed ay qeyb ka tahay qorshe lagu ballaarinayo matalaadda safiirrada Soomaaliya ee dalal dhowr ah oo ay ka noqonayaan ‘Safiir ma degane‘.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...