USA (Halqaran.com) – Golaha magaalada Minneapolis ayaa jimcihii si aqlabiyad leh ugu codeeyay in qoyska George Floyd la siiyo lacag magdhaw ah taas oo gaareysa 27 milyan oo doolar.
Dilkii loo geystay George Floyd wuxuu sababay in ay gobollada Mareykanka oo dhan ay ruxaan muddaharaadyo rabshado wata iyo dibadbaxyo ka dhacay meelo badan oo caalamka ah.
Golaha magaalada Minneapolis ayaa si aqlabiyad leh ugu codeeyay ansixinta magdhawga kahor dhageysiga dacwadda dhammaadka bishaan Maarso, waa magdhawgii ugu badnaa taariiqda Mareykanka.
Qareenada qoyskiisa ayaa dacwad gudbiyay bil ka dib dilkii Floyd oo ku beegneyd bishii Juun sanadkii 2020.
Xulista xeerbeegtida dilkii George Floyd ayaa hadda socota, waxaana illaa haatan la xulay 6 ka mid ah 12-ka garsoorayaal ee ka howl geli doona dhageysiga bilaabmaya 29-ka Maarso.
George Floyd ayaa la sheegay in dukaan lagu magacaabo Cup Foods uu ka iibsaday sigaar. Shaqaalihii dukaanka ka shaqeynayay ayaa booliska wacay ka dib markii Floyd uu siiyay lacag aanan shaqeynin.
Geeridiisa ayaa keentay ka dib markii askari lagu magacaabo Darek Chovin uu jilib qoorta kaga hayey ku dhawaad 9 daqiiqo.
George Floyd oo ku dhashay Texas ayaa sanada badan ku noolaa magaalada Minneapolis, wuxuu waqtiyadii ugu dambeeyay ka shaqeynayay maqaayad inkastoo si lamid ah malaayiinta Mareykanka ku nool uu saameeyay Covid-19 oo uu shaqa la’aan ahaa.
Xafiiska wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





