Sunday, April 19, 2026
30.3 C
Mogadishu

WHO oo ku baaqday in la qaato Tallaalka Covid-19 ee AstraZeneca

Muqdisho  (Halqaran.com) – Hay’adda caafimaadka Adduunka ee WHO ayaa sheegtay in ay muhiim tahay in dalalka caalamka aysan joojin isticmaalka tallaalka Covid-19 ee AstraZeneca, iyadoo aysan jirin wax muujinaya inuu sababo xinjirowga dhiigga

WHO ayaa sheegtay in arrintaasi ay tahay mid aan la xaqiijin karin inay run tahay, balse la ogyahay xiligan in tallaalkaasi uu baajin karo khatarta Covid19.

Dalalka hakiyay isticmaalka tallaalkaasi ayaa waxaa ka mid ah, Bulgaria, Denmark iyo Norway, waxayna WHO ugu baaqday inay sii wadaan maadaama uu yahay tallaalka kaliya ee xiligan loo haysto la dagaalanka Coronavirus.

Afhayeen haweeney ah oo u hadashay hay’adda WHO ayaa sheegtay inuusan jirin wax xiriir ah oo ka dhaxeeya tallaalkan cusub iyo xinjirowga dhiigga.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...