Sunday, February 15, 2026
25.9 C
Mogadishu

Qarax khasaare geystay oo ka dhacay gobolka Baay

Diinsoor (Halqaran.com) – Qarax khasaare geystay ayaa lagu soo warramayaa inuu ka dhacay degmada Diinsoor ee gobolka Baay, sida ay Halqaran.com u xaqiijiyeen goobjoogayaal.

Wararka ayaa sheegaya, in qaraxaan oo ahaa Miino dhulka lagu aasay lala beegsaday guddoomiyaha Ururka Haweenka degmada Diinsoor Baarliin Xaaji Buulle.

Qaraxani ayaa la sheegay, in uu ka dhacay meel u dhow guriga guddoomiyaha Ururka Haweenka degmada Diinsoor.

Wararka qaar oo aan weli la xaqiijinin ayaa sheegaya, in ay guddoomiyaha Ururka Haweenka ay ku geeriyootay qaraxaasi.

Sidoo kale, qaraxa waxaa ku dhaawacmay saddex ruux oo la sheegay in ay ahaayeen Caruur la socotay guddoomiyaha Ururka Haweenka degmada Diinsoor Baarliin Xaaji Bulle.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...