Marka (Halqaran.com) – Guddoomiyihii Degmada Marka, Cabdullaahi Cali Axmed (Waafow) ayaa Arbacadii maanta lagu dilay weerar ismiidaamin ahaa oo lagula eegtay Xarunta Degmada.
Wararka ay helayso HalQaran News ayaa sheegaya, in tiro kale oo dad ah oo ay ku jiraan Ilaaladii Guddoomiyaha la xaqiijiyay inay ku dhinteen qaraxaasi ismiidaaminta ahaa, kuna dhaawacmeen.
Al-Shabaab ayaa sheegatay masuuliyadda qaraxaasi ismiidaaminta ahaa, waxayna intaas ku dartay inay khaarajiyeen guddoomiyihii magaalada Marka Cabdillaahi Cali Waafow.
Cabdullaahi Waafow ayaa sidoo kale ka tirsanaa Saraakiisha Ciidamada Dowladda, isagoona ka qayb qaatay hawlgalkii bilowday sanadkii 2012 ee Shabaabka looga saarayay Degmooyinka Gobolka Shabellaha Hoose.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





