Friday, April 17, 2026
28.8 C
Mogadishu

Maxaa ka jira in Shiinaha uu u hanjabay Mareykanka, kaddib markii…

Taiwan (Halqaran.com) – Warar la isla dhexmaraya ayaa sheegaya, in afhayeenka golaha aqalka wakiilada Mareykanka Nancy Pelosi ay qorsheyneyso inay booqasho ku tegto Taiwan, arrintaas oo si weyn uga careysiisay Shiinaha, islamarkaana Mareykanka ku noqotay madax xanuun.

Shiinaha ayaa ku hanjabay in booqashadaas ay ka dhalan doonto ‘cawaaqib halis ah’ waa haddii Nancy Pelosi ay booqasho ku tegto jasiiradda Taiwan.

Pelosiayaa noqoneysaa siyaasigii ugu sarreeyay ee Amerikaan ah oo u safra jasiiradda Taiwan tan iyo sanadkii 1997.

Shiinaha wuxuu u arkaa Taiwan gobol ka tirsan dhulka Shiinaha isla markaana aysan ka go’i karin.

Xukuumadda Bejing ma aysan sheegin in suurtagalnimada arrintani uu si awood ah ku fulin doono.

Maamulka Biden waxaa lagu soo warramayaa inay isku dayayaan sidii Nancy Pelosi ay isaga dhaafi laheyd safarka.

Toddobaadkii lasoo dhaafay, madaxweyne Joe Biden wuxuu weriyeyaasha u sheegay in ‘militariga uu arrinta u maleynayo qorshe aan wanaagsaneyn’ balse wuxuu Aqalka Cad ku tilmaamay hadallada Shiinaha ee ku saabsan safarkaas ay yihiin ‘kuwa aan wax tareyn oo aan loo baahneyn’

Wasaaradda arrimahada dibadda ayaa sheegtay in Nancy Pelosi aysan shaacin safarkan balse mowqifka Mareykanka ee qadiyadda Taiwan ay tahay arrin aan weli isbaddalin.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...