Friday, April 17, 2026
28.5 C
Mogadishu

Muqdisho: Qarax dhimasho sababay oo lala eegtay Xildhibaanno hore

Muqdisho (Halqaran.com) – Qarax khasaaro dhimasho iyo dhaawac isugu jiray geystay ayaa maanta ka dhacay magaalada Muqdisho, kaasi oo lala eegtay Xildhibaanno hore.

Wararka ayaa sheegaya, in gaari ay la socdeen Ex-Xildhibaan Muxudiin Xasan Afrax iyo Ex-Xildhibaan Xuseen Caraale qarax lagula eegtay Wadada Beexaani ee Degmada Shibis.

Afar askari oo ilaalo u ahayd ayaa la sheegay in qaraxaasi ku dhinteen, halka labadaasi Xildhibaano horena ay ku dhaawacmeen, sida ay goobjoogayaal u xaqiijiyeen Halqaran News.

Sidoo kale, goobjooge ayaa sheegay in xaaladda Ex Xildhibaan Xuseen Caraale ay tahay mid liidato, halka dhaawaca soo gaaray Ex Xildhibaan Muxudiin Xasan Afrax uu mid fudud yahay.

Si kastaba, Muxudiin Xasan Afrax ayaa saddex toddobaad ka hor ka badbaaday qarax wadada dhinaceeda la dhigay, oo gaari uu watay lagula eegtay Magaalada Muqdisho.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...