Nabaddoono maanta lagu dilay magaalada Muqdisho

Muqdisho (Halqaran.com) – Warar na soo gaaraya ayaa sheegaya, in laba nin oo Nabadoono ahaa maanta lagu dilay gudaha Suuqa Bakaaraha.

Dilka odayaashaasi ayaa waxaa gaystay rag bastoolad ku hubeysnaa.

Ciidamada Booliska ee Suuqa Bakaaraha ka hawlgala ayaa goobtaasi gaaray, xilli ay baxsadeen raggii dilka gaystay.

Ururka Al-Shabaab ee dalka ka dagaalama ayaa u muuqda kuwa weeraradii tooska iyo is qarxinta ahaa u bedelay qaraxyada la dhigo wadada dhinaceeda, inkastoo xilliyada qaarkood ay magaalada ka gaystaan qaraxyada ay fuliyaan mintidiinta u bareeray in ay nafsadahooda halligaan.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com