Saturday, April 18, 2026
29.4 C
Mogadishu

Qaramada Midoobay oo soo dhaweysay Ansixintii Ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble

Muqdisho (Halqaran.com) – Xafiiska Qaramada Midoobey ee Soomaaliya ayaa si weyn u soo dhaweeyay tallaabada Xildhibaanada Golaha Shacabka codka kalsoonida ku siiyeen Ra’iisal Wasaaraha cusub ee dalka, Maxamed Xuseen Rooble.

Madaxweynaha JF Somaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Arbacadii maanta Ra’iisal Wasaaraha horgeeyay Xildhibaanada Golaha Shacabka, iyadoona uu codka kalsoonida u weydiiyay.

Xildhibaannada Baarlamaanka Soomaaliya ayaana si aan kala har lahayn kalsoonida u siiyay Ra’iisal Wasaaraha cusub ee Soomaaliya, Mudane Rooble, isagoona isla goobta lagu dhaariyay.

War qoraal ah oo ka soo baxay Xafiiska UNSOM ee Magaalada Muqdisho ayaa lagu sheegay in Maxamed Xuseen Rooble uu si rasmi ah u xaqiijiyay inuu yahay Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya.

“Bahda Qaramada Midoobey ayaa hambalyo diiran u direysa Maxamed Xuseen Rooble oo si rasmiya u xaqiijiyay inuu yahay Ra’iisal Wasaaraha Somaliya, waxayna u rajaynayaan guul xilli uu bilaabayo doorkiisa hoggaamineed ee muhiimka ah waqtigan xasaasiga u ah Somaliya.” Ayaa lagu yiri qoraalka.

Sidoo kale qoraalka ayaa lagu sheegay in Qaramada Midoobey is garab taagi doonto Ra’iisal Wasaare Rooble, isla markaana ay iskaashi la yeelan doonto.

“Qaramada Midoobey waxay ballanqaadaysaa inay garab istaagayso, iskaashina la samayn doonto Ra’iisal Wasaaraha.” Ayaa lagu sheegay warka caawa ka soo baxay Xafiiska UNSOM.

Ugu dambeyn, Ra’iisal Wasaaraha cusub ee Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa guda galaya soo xulista Golihiisa Wasiirrada, waxaana uu ballanqaaday inuu soo dhisi doono xukuumad tayo leh.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...