Saturday, April 18, 2026
27.9 C
Mogadishu

Jubbada Hoose: Diyaaradaha Kenya oo Duqeyn ku dilay dad shacab ah

J/Hoose (Halqaran.com) – Wararka naga soo gaaraya Gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in diyaaradaha dagaalka Kenya ay duqeeyeen tuulooyin hoostagga deegaanka Hooshingow ee Gobolka Jubbada Hoose.

Wararka ayaa sheegaya, in diyaaradahan ay duqeyn ka gaysteen tuulooyinka Buriya, Baqdaad iyo Weel-mareer, oo dhammaantoodba hoos-tagga deegaanka Hoosingow oo xuduuda dhaca.

Duqeyntu waxay ka dambeysay, ka dib markii uu soo geba-gaboobay weerar xoogan, oo gelinkii dambe ee Arbacadii maleeshiyada Al-Shabaab ku qaadeen xerada Militariga Kenya ku leeyihiin deegaanka Hoosingow, waana weerarkii labaad oo xeradaasi lagu qaado wax ka yar labaatan saacadood.

Inta la xaqiijiyay hal qof ayaa ku dhintay, laba kalana way ku dhaawacantay duqeynta ka dhacday tuulada Buriya, oo qiyaastii 15km u jirta Hoosingow, illaa iyo hadda inta laga warqabo.

Sidoo kale wararka ayaa sheegaya in gantaal ku dhacay guri ay xoolo dhaqato degan yihiin inay sababtay waxyeelada dadka rayidka, sidoo kalana waxaa jira duunyo ku la’atay duqeyntaasi.

Qofka keliya ee laga warqabo inuu duqeynta ku geeriyooday ayaa lagu magacaabi jiray Mahad Geesey Nuur (Suubane), halka labada dhaawaca uu soo gaaray lagu kala magacaabo Xasan Geesey Nuur iyo Faarax Geesey Nuur, waana saddex nin oo wada dhashay, kana mid ah xoolo dhaqatada deegaanka.

Si kastaba ha’ahaatee, duqeymaha diyaaradaha Kenya ka gaystaan deegaanada Jubbaland ayay inta badan waxyeelo ka soo gaartaa dadka deegaanka, tiiyoo aanay jirin cid kala xisaabtanta Xukuumadda Nairobi.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...