Thursday, April 30, 2026
32.9 C
Mogadishu

Qaramada Midoobay oo si kulul u eedeysay DF ee Soomaaliya

Muqdisho (Halqaran.com) – Golaha xaquuqul insaanka ee Qaramada Midoobay ayaa waxaa lala wadaagay Warbixin gaar ah oo ku saabsan walaaca laga qabo in Madaxda Soomaalida in aysan u hoggaansamin Xeerarka xaquuqul Insaanka Caalamiga ah, xilli ay soo dhawdahay doorashada Soomaaliya.

Baare gaar ah oo ka tirsan Qaramada Midoobay oo lagu Magacaabo Isha Dyfan ayaa sheegtay in Madaxda Soomaalida ay ku guuldaresyteen inay dhowraan xaquuqda, dhaqaale, mid bulsho iyo mid dhaqan ee dhinaca dadweynaha.

Isha Dyfan oo xilkaan loo magacaabay, kadib aafadii cudurka Coronavirus ayaa sheegtay in musiibooyinka COVID-9 iyo Ayaxa oo baabi’iyay dalago farabadan ay uga sii dareen xaaladaha Nololeed ee kajira Soomaaliya.

Sidoo kale waxay sheegtay inay ila wareedyo lagu kalsoonaan karo ka heshay Warbixino cadeynaya in dowladda Soomaaliya aysan ilaalin arrimaha xaquuqun Insaanka & waxka qabashada musiibooyinka dabiiciga ah.

“Waxaan helnay warbixino lidi ku ah xaquuqul insaanka, sida dil, kufsi isticmaalka awoodo dheeraad ah oo ay adeegsadaan hay’adaha fulinta ee dowladda, taas oo keentay inay dhintaan dad rayid ah iyo in dadka si awood ah looga qixiyo guryahooda‘‘ ayay tiri Isha Dyfan.

DF ee Soomaaliya ayaan weli wax jawaab ah ka bixin eedeyntaan uga timid Baare gaar ah oo ka tirsan QM oo lagu Magacaabo Isha Dyfan, taas oo ku aadan in dowladda aysan ilaalin xaquuqul insaanka.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...