Thursday, April 30, 2026
30.9 C
Mogadishu

Ra’iisul Wasaarihii hore ‘Kheyre’ oo maanta safar dibadda ah u baxay

Muqdisho (Halqaran.com) – Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Xasan Cali Kheyre ayaa Axadda maanta ah safarkiisii ugu horreeyay uga ambabaxay Magaalada Muqdisho, tan iyo markii Golaha Shacabka ay codka kalsoonida kala laabteen 25-kii Bishii July ee sanadkaan.

Warar kala duwan ayaa waxa ay ka soo baxayaan safarka Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre, waxaana wararka qaar ay sheegayaan in uu safaro kala duwan uu ku tegi doono qaar ka mid ah wadamada Bariga Afrika kuna hormari doono dalka Jabuuti, si uu u dardar geliyo ololihiisa doorashada.

12-kii Bishii September ee sanadkaan ayaa Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Kheyre waxaa uu ku dhawaaqay in uu yahay musharax Madaxweynaha Soomaaliya doorashada soo socota.

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa Saddex sano iyo barkii uu ahaa Ra’iisul Wasaaraha dalka, waxaa xukuumadiisa lagu eedeeynayay waxyaabo kala duwan halka dadka qaarkood ay aaminsan yihiin inay wax badan qabatay.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...