Shirkadda Somtel oo si rasmi ah Muqdisho uga daah-furtay Adeegga Safar Taxi +(SAWIRRO)

Muqdisho  (Halqaran.com) – Shirkadda isgaarsiinta Somtel ayaa maanta magaalada Muqdisho waxaa ay si rasmi ah uga daahfurtay Shirkadda Safar Taxi oo laga heli karo adeegyo ay kamid yihiin Taxi, kaddib munaasabad ka dhacay Magaalada Muqdisho.

Munaasabadda ayaa waxaa ka qeyb-galay, siyaasiyiin, Urrurada Haweenka & Dhalinyarada, iskaashatooyinka gaadiidka Takaasida  iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ku nool Magaalada Muqdisho & Xubno kale.

Agaasimaha Guud ee Shirkadda Safar Taxi oo hadal kooban munaasabadda ka jeediyay ayaa ku dheeraaday ahmiyada safar taxi u leedahay bulshada, isaga oo tibaaxay in bulshada Soomaaliyeed ay fursad Shaqo abuur u tahay, isla markaana qof walba qiima jaban uu ku raacayo marka uu kireysanayo

Yuusuf Xuseen Jimcaale oo ku hadlayay Magaca Iskaashatada Gaadiidka Takaasida ayaa sheegay inay ka faa’iideysanayaan fursadaan Safar Taxi una arko inay furasad Shaqo u noqotay wadayaal farabadan oo gaadiidka takaasida ku Shaqeysan jiray laakiin aan macaamiil badan heli jirin maalintii.

Sidoo kale, waxaa munaasabadda ka hadlay madaxa suuqgeynta & iibka Huyndai Mrs Hivo Warsame, wuxuuna sheegay in gaadiid casri ah ay u keentay Shirkadda Safar Taxi isla markaana  Bulshada  uga faa’ideyn doonaan modelkii ugu danbeeyay gawaarida casriga ah.

Waxaa munaasabada geba-gabeeyay Madaxa Shirkadda Dahabshil Group ee Banaadir & labada Shabeelle C/risaaq Xaaji Xuseen, isaga oo sheegay in Dahabshiil Group ay mar walba u taagan tahay daboolida baahida ay qabaan Shacabka Soomaaliyeed, sidoo kalena in Xarigii labaad ee Internet Fiber Optic ah Soomaaliya ka hirgaliyeen.

Waxaana uu faah-faahiyay ahmiyada safar taxi kuna tilmaamay isku xiraha bulshada, isla markaana uu soo afjarayo baahida gaadiidka takaasida kun raacayo  Qiimo jaban, isagoo E-dahab Ku bixinaya.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com