Qadar oo mashaariic badan ka fulinaysa deegaannada HirShabeelle & Waddada Jowhar oo…

Jowhar (Halqaran.com) – Wafdi uu horkacayo danjiraha Dowladda Qadar u jooga Soomaaliya, Xasan Bin Xamsa Asad oo Sabtidii shalay gaaray magaalada Jowhar ee xarunta maamul goboleedka HirShabeelle, ayaa kulan kula qaatay hoggaamiyaha maamulkaas Maxamed Cabdi Waare.

Kulanka ayaa waxaa goobjoog ka ahaa madaxweyne ku xigeenka HirShabeelle Cali Guudlaawe iyo guddoomiyaha golaha wakiillada Hirshabeelle Sheekh Cismaan Barre iyo madax kala duwan oo ka kala tirsan golaha wasiirada iyo wakiillada ee HirShabeelle.

Madaxda HirShabeelle iyo wafdiga Qadar ayaa ka wada hadlay fulinta mashaariic horumarineed oo ay dowladda Qadar ka fulineyso Hirshabeelle, mashaariicdaa oo uu ugu horeeyo dhismaha waddada xiriirisa Muqdisho iyo Jowhar oo dhowaan la billaabayo.

Wafdigan Qadar ka socday ayaa booqday warshaddii sonkorta ee Isnaay iyo beerihii qasabka ee ay warshaddu laheyd.

Wasiir ku xigeenka Beeraha ee HirShabeelle Maxamed Bashiir Qaasim ayaa sheegay in wafdiga ay ka wada hadleen sidii dib u dhis loogu sameyn lahaa warshadda.

Sidoo kale, wafdiga ayaa booqday beeraha bariiska iyo beeraha kala duwan ee ay leedahay magaalada Jowhar.

Dowladda Qadar ayaa horay u waday mashruuca dhismaha waddo 30 kilomitir ah oo isku xirta magaalooyinka Muqdisho iyo Afgooye.

Xafiiska Halqaran.com, Muqdisho
Halqarannews@gmail.comĀ