Muqdisho (Halqaran.com) – Qaar ka mid ah Xildhibaannada Baarlamaanka dowlad Goboleedka Galmudug ayaa Jimcihii maanta magaalada Muqdisho kula kulmay Ra’iisul Wasaaraha JF Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble, iyaga oo ka wada hadlay arrimo dhowr ah.
Xildhibaannada oo dhawaan kasoo laabtay safar ay ku tageen magaalada Garoowe ayaa kulanka waxaa ku wehlinayay guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Maxamed Nuur Gacal, waxana Ra’iisul Wasaare Rooble ay kala hadleen Afar qodob oo kala ah.
1 – Xal u raadinta Maxaabiista Reer Galmudug ee ugu xiran Xabsiga Magaalada Garoowe, kuwaas oo loo xukumay inay ka tirsan yihiin kooxaha Burcadda badeeda Soomaalida lagana soo wareejiyay Jasiirada
2 – Fududeynta iyo Culeys-saarka Mashaariicda Galmudug uga maqan Beesha Caalamaka si bulshada ku nool deegaannada Galmudug ay u helaan adeegyo ballaaran oo ay u baahan yihiin xilligaan.
3 – Ka Xureynta deegaannada Galmudug Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab oo weli ku sugan qaar ka mid ah deegaannada Galmudug, isla markaana mararka qaar weeraro ka fuliya.
4 – Gacan-siinta Maamulka Galmudug ee sugidda Amniga doorashada Federaalka ee Galmudug, maadaama Galmudug ay kamid tahay deegaannada ay ka dhacayaan doorashooyinka xildhibaannada labada Aqal.
Ugu dambeyn, xildhibaannada ka tirsan Galmudug ayaa dhawaan tegay magaalada Garoowe, waxaana ay la kulmeen Madaxda sare ee Puntland, iyaga oo ka codsaday inay ku soo wareejiyaan maxaabiista xukuman ee u xiran, hayeeshee Madaxda Puntland ay diideen, iyaga oo shuruud ka dhigay in xukunanda xabsiga, iyaga oo aan dhammeysan la siideyn doonin.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





