Friday, April 17, 2026
29.7 C
Mogadishu

DHAGEYSO: Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo si adag uga hadlay Saraakiishii lagu laayay Galgaduud ‘Looma nisbeyn karo Qabiil’

Galgaduud (Halqaran.com) – Taliyaha Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya, Generaal Odawaa Yuusuf Raage ayaa si adag uga hadlay saraakiishii maalin ka hor lagu laayay weerarkii ka dhacay duleedka degmada Balanballe ee Gobolka Galgaduud.

Taliye Odawaa ayaa sheegay in Ciidamada dowladda ay wadaan howlgallo lagu baadi goobayo dadkii ka dambeeyay dilka saraakiisha Ciidamada, isla markaana uu rajeynayo in gacanta lagu soo dhigo.

Wuxuu intaasi raaciyay taliyuhu in dilkaas aan lala xiriirin karin Arrimo qabiil, hayeeshee ay ka dambeeyaan Ururka Al-Shabaab oo horay dalka uga geystay weerarro iyo qaraxyo ay ku waxyeeloobeen mas’uuliyiin dowladeed iyo Shacab.

‘‘Looma nisbeyn karo qabiil iyo cid gaar ah, waa fal ka mid ah falalka ay fuliyaan Argagixisada ee lagu yaqiinay in dhiibba umadda Soomaaliyeed iyagoo aan kala fiirin jirin ay ku daadin jireen”, ayuu yiri General Odawaa Yuusuf Raage.

Marka laga soo tago hadalka Taliyaha Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya Gen. Odawaa Yuusuf Raage ayaa waxaa uu ku soo aadayaa xilli warar soo baxayay ay sheegayeen in dilka Saraakiisha Ciidamada xoogga dalka loogu geystay Gobolka Galgaduud ay la xiriirto aano qabiil oo waayadaan ka jirtay deegaannada Galmudug.

Halka hoose ka dhageyso Codka Gen. Odawaa Yuusuf Raage:

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...