Friday, April 17, 2026
29.7 C
Mogadishu

Qaad fara badan oo lagu gubay magaalada Muqdisho

Muqdisho (Halqaran.com) – Ciidamada Booliska Dowladda Federalka Soomaaliya ayaa Magaalada Muqdisho waxa ay ku gubeen qaad fara badan oo lagu qabtay ganacsato Soomaaliyed.

Jaadkaan ayaa waxaa Muqdisho la soo galiyay Afartii Bishan, waxaana sida Booliska ay sheegeen dhac u gaystay maleeshiyaad hubaysan, kadib markii Doon lagu soo galiyay qaadka Magaalada, balse Ciidamada Booliska ayaa dib uga soo celiyay maleeshiyaadkii dhacay qaadka.

Afhayeenka Ciidanka Booliska dowladda Captain Sadiiq Doodishe oo la hadlay warbaahinta ayaa waxa uu tilmaamay in qaadka la gubay uu ahaa Lix Jawaan ayna marka hore horgeeyeen Maxkamadda Gobolka Banaadir iyo xafiiska xeer ilaalinta Qaran, iyadoo Go’aan soo baxay lagu gubay qaadkaas oo si sharci darro ah loo soo geliyay Muqdisho.

Captain Doodishe ayaa Digniin u diray dadka qaadka ka Ganacsada, isla markaana keena Muqdisho xili dowladda u mamnuucday keenistiisa sababo la xiriira faafida Cudurka COVID-19, wuxuuna xusay in wixii Maanta ka dambeeya cidii lagu qabto qaad sharciga la hor-geyn doono.

Si kastaba, marka laga soo tago hadalka ka soo yeeray Booliska, waxaa jirta in Suuqyada Magaalada Muqdisho oo lagu iibiyo qaadka, islamarkaana Magaalada ay soo galiyaan oo ay illaaliyaan Ciidamada dowladda.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...