Sunday, May 10, 2026
29 C
Mogadishu

Ciidanka Xoogga dalka oo kala dhex-galay maleeshiyo beeleed ku dagaallamay Hiiraan +(SAWIRRO)

Hiiraan (Halqaran.com) – Ciidanka Xoogga Dalka ayaa kala dhex-galay maleeshiyaad beeleed shalay ku dagaalamay deegaanada Xagar iyo Laan-cadaad oo ka tirsan Degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan.

Ciidanka Xoogga Dalka ee Qaybaha 21aad iyo 27aad oo fulinaya amarkii Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, General Odawaa Yuusuf Raage ayaa gaaray deegaanadaasi.

Dagaalka shalay ka dhacay Xagar iyo Laan-cadaad ayaa sababay khasaaro dhimasho iyo dhaawacba ka soo kala gaaray maleeshiyadii uu u dhaxeeyay.

Qoraal lagu daabacay barta Taliska Qaybta 27aad ku leeyahay Facebook ayaa lagu sheegay in Ciidanka Xoogga Dalka ku guuleysteen in ay kala qaadaan labadaasi maleeshiyo, deegaanadii lagu dagaalamayna ay haataan xaaladoodu degan tahay.

Ciidanka Xoogga Dalka ee maleeshiyaadkaasi kala dhexgalay ayaa waxaa hoggaaminayay General Mascuud Maxamed Warsame, Abaanduulaha Qaybta 21aad ee Ciidanka Xoogga Dalka.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...