Sunday, May 10, 2026
29.9 C
Mogadishu

Cumar Filish: ”Waddooyinka xiran ee Muqdisho waan fureynaa, maadaama la xaqiijiyay amniga…”

Muqdisho (Halqaran.com) – Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir, ahna duqa magaalada Muqdisho, Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa sheegay in la xaqiijiyay amniga Guud ee magaalada Muqdisho, isla markaana dhawaan ay furayaan wadooyinka xiran ee Caasimadda.

Cumar Filish ayaa waxaa uu sheegay in maadaama ay xaqiiqsadeen in Amniga Muqdisho uu hagaagay in koontoroolada faraha badan la qaado si bulshada ay u dareemaan in nabad la gaaray.

“Waxaan rajeynayaa Bisha hadda lagu jiro oo ah bisha lixaad gudaheeda maadaama la xaqiijiyay amniga Muqdisho in barkoontoroolada laga qaado gudaha magaalada lana geeyo goobo durugsan oo Magaalada cirifkeeda ah ayuu yiri” Duqa magaalada Muqdisho Cumar Filish.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir, ayaa u mahad celiyay Ciidamada Dowladda Soomaaliya gaar ahaan kuwa ka howlgalla Magaalada Muqdisho oo uu sheegay in amniga maanta la heysto ay iyaga dhaliyeen.

Ugu dambeyn, Lama oga sida uu ku dhaqan geli karo hadalka guddoomiyaha Gobolka Banaadir maadaama markii la doortay ee uu xilka la wareegayay uu balan qaaday in wadooyinka la furayo, balse hadalkaas uu noqday mid aan fulin.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...