Thursday, June 18, 2026
26.5 C
Mogadishu

Puntland oo karantiishay Ajaaniib looga shakiyay Fayraska Corona (COVID-19)

Wasiir Ku xigeenka Wasaaradda Caafimaadka Puntland, Cabdinaasir Yuusuf Xaaji

Garowe (Halqaran.com) – Puntland ayaa Sabtidii maanta shaacisay inay karantiileen dad looga shakiyay Coronavirus, kuwaasi oo ku sugan Magaalada Garowe ee Xarunta Puntland.

Wasiir Ku xigeenka Wasaaradda Caafimaadka Puntland Cabdinaasir Yuusuf Xaaji oo Warbaahinta kula hadlay Magaalada Garowe ayaa waxaa uu sheegay inay gacanta ku dhigeen 5 Ruux oo 4 ka mid ah ay yihiin Ajaanib u dhashay dal kale, halka kan kalena uu yahay Ruux Soomaali ah, kuwaasi oo la geeyay Xarun gooni ah oo loogu talagalay in dadka lagu karantiilo.

Cabdinaasir Yuusuf Xaaji ayaa sheegay in dadkaas ay baaritaano ku socdaan uuna baaritaankaas qaadan karo muddo saddex maalmood, isla markaana xaaladooda Caafimaad dadkaas ay wanaagsan tahay.

Wasiir Ku xigeenka Caafimaadka Puntland ayaa sidoo kale waxa uu sheegay shantaan ruux in lagu arkay Astaamo muujinaayo Covid-19, balse baaritaanka wax waliba ay ku cadaan doonaan.

Caabuqa Coronavirus ayaa walaac xoog leh wuxuu ku hayaa Caalamka, kadib markii si deg deg ah dunida uu ugu faafay, dad badana ay u dhinteen.

Dalka Soomaaliya ayaa illaa iyo hadda waxaa laga diiwaangeliyay dad gaaraya Saddex ruux oo mid ka mid uu yahay shaqsi Ajnabi ah oo ku sugan xerada Xalane.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...