Thursday, April 30, 2026
29.9 C
Mogadishu

Askari ka tirsan ciidanka DF Somaliya oo wiil dhallinyaro ku dilay Dhuusamareeb

Magaalada Dhuusamareeb

Dhuusamareeb (Halqaran.com) – Waxaa magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug ayaa lagu soo warramayaa in halkaasi uu maanta ka dhacay Dil.

Wararka ayaa sheegaya, in dilkaasi uu gaystay askari ka tirsan Ciidamada dowladda oo sida la sheegay ilaalo u ah Senator Yuusuf Geelle Ugaas Dhagey, waxaana dilka loo gaystay wiil dhalinyaro ahaa oo Magaalada joogay.

Wiilka la dilay ayaa waxaa la sheegayaa inuu watay gaari nooca raaxada ah, waxaana dilkiisa uu ka dhacay afaafka hore ee guriga Senator Yuusuf Dhagey.

Shaafici Yuusuf Diiriye oo ah Marxuumka la dilay, ayaa waxa uu watay gaari noociisa uu yahay Laylo Calaawi, balse waxaa la sheegay Askari ka tirsan Ciidamada illaalada Senator Yuusuf Dhagey inay wada murmeen, kadibna uu sidaasi xabada ugu dhuftay.

Shaafici oo dhaawiciisa aad u liito ayaa loola cararay Isbitaal Magaalada ku yaallo, halkaasi oo ugu dambeyn uu ku geeriyooday Marxuumka.

Dhuusamareeb ayaa waxaa ku sugan Xildhibaano iyo Senataro ka soo jeeda deeganada Galmudug, kuwaasi oo halkaa u tagay arrimaha Galmudug iyo xalinta khilaafyo jiray.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...