Janaale (Halqaran.com) – Wararka ka imaanaya deegaanka Janaale ee gobolka Shabeellaha hoose ayaa sheegaya, in qarax miino loo dhigay gaadiid kolonyo ah oo ay la socdeen ciidamada dowladda Soomaaliya.
Kolonyada ciidan oo sida la sheegay maraysay nawaaxiga deegaanka Janaale ayaa la kulmay qarax miino oo maleeshiyaadka Al-Shabaab ay halkaasi ku sii aaseen kaas oo dhaliyay khasaare kala duwan.
Wararka ayaa intaasi ku daraya, in qaraxa miino ay gebi ahaanba ku gubatay booyaddii biyaha u dhaamin jirtay ciidamada Militariga Soomaaliya ee ku sugan saldhiga deegaanka Jannaale, halkaas oo ay dhowaan la wareegeen.
Ururka Al-Shabaab oo sheegtay mas‘uuliyadda qaraxaasi ayaa xaqiijisay in ay gubtay booyaddii loogu dhaamin jiray ciidanka, islamarkaana ay askar ku dishay qaraxa, inkastoo aysan jirin cid xaqiijin kartaa dhimashada askartaasi.
Taliska Militariga dowladda Federaalka Soomaaliya weli kama hadlin qaraxa iyo khasaaraha ka dhashay mid koodna.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





