Tuesday, August 18, 2026
24.8 C
Mogadishu

Puntland oo howlgal ku qabatay xubno ka mid ah Al-Shabaab

Bari (Halqaran.com) – Ciidamada PSF-ta Puntland ayaa howlgal ka dhan ah Ururka Al-Shabaab ka fuliyay deegaannada Muguc iyo Ceel Onkod ee buuraha Cal Madow ee Gobolka Bari.

Hawlgalka ayaa Saraakiisha hoggaamineysa waxaa ay sheegeen in ujeedkiisa uu yahay sidii loo afjari lahaa xubno ka tirsan Al-Shabaab oo miinooyin iyo qaraxyo ku aasa wadada isku xirta Sugure, Balikhadar iyo buuraha Galgala ee gobolka Bari.

Saraakiisha Saraakiisha sheegay in Howlgalka intii uu socday in ciidanka u suurta gashay in ay gacanta ku soo dhigaan xubno lagu tuhmayo in ay xiriir la leeyihiin Al-Shabaab, waxaana howlgalka uu ku soo dhammaady sidii loogu talo galay.

Ugu dambeyn, saraakiisha hoggaamineysay howlgalka ciidanka Puntland ay sameeyeen ayaa sheegay in ay sii wadi doonaan gulufka ka dhanka ah Al-Shabaab iyo daacish oo mararka qaar iyo weeraro ka fuliya degaannada Puntland.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...