Saturday, April 18, 2026
29.4 C
Mogadishu

Muqdisho: Xildhibaanno ku dhawaaqay Kutlada Badbaadada Qaranka

Muqdisho (Halqaran.com) – Kulamo siyaasadeed ayaa Talaadada maanta ah ka soconaya Magaalada Muqdisho, oo looga arrinsanayo tallaabada la qaadi karo, marba haddii uu dhammaday muddo xileedkii Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Xil-haynta Madaxweyne Farmaajo ayaa 8-dii bishan ku ekeyd, mana muuqato dadaalo doorasho looga qabanayo dalka. Golaha Midowga Musharraxiintana waxay sheegeen inaanay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo u aqoonsaneyn Madaxweynaha Jamhuuriyadda.

Xildhibaanno ka tirsan Labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa Magaalada Muqdisho kaga dhawaaqay kutlad loogu magac-daray (Kutlada Badbaadada Qaranka).

Xildhibaanadan oo u badan kuwa mucaaradka ayaa Hotel Jazeera kaga dhawaaqay Kutlada Badbaadada Qaranka.

Senator Senator Ilyaas Cali Xasan oo ka tirsan Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa yiri “Waxaan ku dhawaaqnay Kutlada Badbaadada Qaranka.”

Shir jaraa’id oo Xildhibaanadan ay ku qabteen Hotel Jazeera ayay kaga hadleen mowqifkooda ku aadan dhammaadka muddo xileedka Madaxweynaha iyo sida ay xalka u arkaan, waxayna soo jeediyeen Labada Aqal ee Baarlamaanka inay qaataan masuuliyadda ah in xilliga kala guurka ay dalka ka gudbiyaan

Si kastaba, magacaabista kutladan ayaa imaanaysa saacado yar uun ka hor, shirka lagu wado in Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ka yeesho xaaladda siyaasadeed ee dalka.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...