Friday, April 17, 2026
28.9 C
Mogadishu

NISA ”Waxaanu qabanay Kiimiko loo waday Al-Shabaab iyo Dadkii waday”

Muqdisho (Halqaran.com) – Hay’adda Nabad-sugida iyo sirdoonka Qaranka Soomaaliya ee NISA  ayaa Arbacadii maanta shaacisay inay gacanta ku dhigtay Kiimiko loo waday Ururka Al-Shabaab iyo shaqsiyaadkii dalka soo gelinayay.

War qoraal ah oo lagu daabacay Barta Twitter-ka ee NISA ayaa waxaa lagu sheegay in ay Hay’ada qabatay Kiimiko 79 tan ah maadada Sulfuric Acid” ah iyo Shakhsiyaadkii dalka soo galiyey, kuwaas oo u waday maleeshiyaadka Ururka Al-Shabaab.

“ Waxaa gacanta lagu dhigay 79, Tan oo maadada “Sulfuric Acid”ah & Shakhsiyaadkii dalka soo galiyey, una gudbinayey Maafiyada Alshabaab, waxayna wajihi doonaan Sharciga. Baaritaanka Maadadan waxaa ka wada shaqaynaya NISA & Hay’adaha ay iska kaashadaan la-dagaalanka Aragagixisada‘‘ ayaa lagu yiri warka ka soo baxay NISA.

Hay’adda Nabad Sugidda iyo sirdoonka Qaranka Soomaaliya ee NISA qoraalkeeda kuma shaacin halka laga qabtay Kiimikada loo waday Al-Shabaab iyo tirada dadka ay qabteen, hayeeshee ay sheegeen in baaritaan dheer, kadib ay Sharciga wajihi doonaan.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...