Friday, April 17, 2026
29.9 C
Mogadishu

Bangiga Adduunka oo ansixiyay 12 bilyan doollar ah oo loogu talagalay tallaalka Cudurka Karoona Fayras (Covid-19)

Muqdisho (Halqaran.com) – Bangiga Adduunka ayaa Talaadadii shalay ku dhawaaqay in Golaha Sare ee Agaasimayaasha Fulintu ay ansixiyeen US $ 12 bilyan oo loogu talagalay dalalka soo koraya si ay u maalgeliyaan iibsashada iyo qaybinta tallaallada COVID-19, tijaabooyinka iyo daaweynta muwaaddiniintooda. .

Maalgelinta oo looga golleeyahay in lagu taageero tallaalka ilaa 1 bilyan oo qof, ayaa qeyb ka ah guud ahaan xirmada Bangiga Adduunka oo gaaraya illaa $ 160 bilyan illaa iyo Juun 2021 si looga caawiyo dalalka soo koraya la-dagaallanka aafada, sida lagu sheegay bayaan.

Waxay ku dareysaa maaliyad cusub Bangiga Adduunka barnaamijyada gurmadka degdegga ah ee COVID-19 ee gaaraya 111 dal, ayaa lagu yiri bayaanka.

“Waxaan kordhinayna oo kordhinayna habkayaga degdega ah ee wax looga qabanayo xaaladaha degdega ah ee COVID si wadamada soo koraya ay u helaan cadaalad iyo sinaan talaalka,” ayuu yiri Madaxweynaha Kooxda Bangiga Aduunka David Malpass.

“Helitaanka tallaalo nabdoon oo wax ku ool ah iyo xoojinta nidaamyada bixinta ayaa fure u ah wax ka beddelka hannaanka aafada iyo ka caawinta waddamada ay la soo dersaan masiibooyin dhaqaale iyo maaliyadeed inay u dhaqaaqaan dhanka soo kabashada adkeysiga leh,” Malpass ayaa sidaas yiri.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...