NISA: Waxaan dilnay Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab

Gedo (Halqaran.com) – Ciidamada NISA gaar ahaan kuwa hubeysan ee Duufaan ee ku sugan Gobolka Gedo ayaa la sheegay inay xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab oo isku dayay inay weerar jidgal ah ku sameeyaan ay ku dilay deegaanka Tuulo Barwaaqo oo u dhaxeeya magaalooyinka Garbahaarey iyo Beledxaawo.

Ciidamada oo ku sii jeeday Beledxaawo ayaa saraakiisha hoggaamineyssy ay sheegeen inay ka warhayeen Abaabulka Al-Shabaab, taasi oo suura gelisay inay fashiliyaan , isla markaana ay ka hortagaan Xubnihii isku dayay weerarkaas.

Madaxa howlgalada NISA ee Gobolka Gedo laba xidigle Xasan Aadan Maxmuud ayaa xaqiijiyay inay si nabad ah ku gaareen Degmada Beledxaawo oo ay ku wajahnaayeen.

Saraakiisha Ciidanka Duufaan ma sheegin tirada Xubnaha katirsan Ururka Al-Shabaab oo ay dileen, hayeeshee kaliya ay sheegeen inay ka hortageen weerarkii jidgalka ahaa oo ay ku soo qaadi lahaayeen.

Al-Shabaab ayaa dhowr jeer hore waxa ay weerar jidgal ah ku qaadeen Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya oo ku socdaalayay wadada u dhaxeeysa Magaalooyinka Garbahaareey iyo Beledxaawo ee Gobolka Gedo, kuwaas oo ka dhashay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com