Nairobi (Halqaran.com) – Wararka ka imaanaya magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa sheegaya, in la la’yahay Liibaan Cabdullaahi oo ka mid ahaa Saddex nin oo loo heystay weerarkii dhismaha laga dukaameysto ee Westgate, kaddib markii maxkamadda ay sii deysay labo maalmood ka hor markii lagu waayay wax caddeyn ah, sida laga soo xigtay hay’adda u doodda xuquuqda Muslimiinta Kenya.
Wararka ayaa intaasi ku daraya, in Liibaan Cabdullaahi markii ay maxkamaddu fasaxday uu raacay gaari ay la saarnaayeen xubno ka tirsan qoyskiisa, kaddibna waxaa waddada u galay oo gaariga kala degay rag hubeysan.
Qareenka Liibaan, Mbugua Mureithi ayaa mid ka mid ah telefeshinnada dalka Kenya u sheegay in raggan ay sheegeen inay ka tirsan yihiin ciidamada ammaanka.
‘‘Haween la socda Liibaan ayaa sheegay inay qeyliyeen, kadibna rag hubeysan oo sheegay inay ka tirsan yihiin hay’adaha ammaanka ayaa ku amray inay aamusaan,” ayuu yiri qareenka Liibaan Mr. Mureithi.
Sidoo kale qareenka Liibaan ayaa intaasi raacayay, “Waxay u muuqataa in hay’adaha amniga aysan ku qanacsaneyn go’aanka maxkamadda,”
Booliiska dalka Kenya ayaa ka gaabsaday inay ka hadlaan arrintaas.
Maxkamadda dalka Kenya ayaa ku xukuntay Arbacadii la soo dhaafay, labo nin oo u dhashay Kenya inay gacan ka geysteen weerarkii sanadkii 2013 lagu qaaday dhismaha laga dukaameysto ee Westgate ee magaalada Nairobi, kaas oo ay ku dhinteen 67 qof.
Ugu dambeyn, Liibaan Cabdullaahi oo ah Soomaali qaxooti ku ah dalka Kenya lana dhashay mid ka mid ah raggii weeraray Westgate, wuxuu ahaa eedeysanihii saddexaad, balse maxkamadda ayaa sii deysay markii lagu waayay wax caddeyn ah.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





