Wednesday, May 6, 2026
30.9 C
Mogadishu

Nin ganacsade ah oo caawa lagu Dilay Muqdisho

Muqdisho (Halqaran.com) – Wararka naga soo gaaraya degmada Dharkenley ee gobolka Banaadir ayaa sheegaya, in caawa degmadaasi lagu dilay nin ganacsade ah.

Rag bastoolado ku hubeysnaa ayaa waxay ninkan ganacsadaha ku dileen xaafadda Suuq Boocle ee Degmada Dharkenley, waana wax yar uun ka dib xilligii Salaadda Maqrib.

Raggan dilka gaystay oo lala xiriirinayo kooxaha nabadiidka ayaa waxaa falkaasi ka dib u suurta-gashay inay gacanta sharciga ka baxsadaan.

Ciidamada Booliska ee Degmada Dharkiinley oo daqiiqado ka dib ku baxay goobtaasi ayaana ku guuldareystay inay gacanta ku soo dhigaan dembiile-yaasha.

Ganacsadaha oo magaciisa lagu sheegay Hilowle ayaa goob ganacsi ku lahaa Suuq Boocle, waxaana halkaasi meydkiisa ka qaaday Ciidamada Booliska.

Taliska Booliska ee Degmada Dharkenley ayaa amray in meydka la geeyo Xarunta Hay’adda Dembi Baarista ee CID, si baaritaan loogu sameeyo, ka hor inta aan meydka marxuumka lagu wareejin eheladiisa.

Mintidiinta Al-Shabaab ee bastooladaha la cararaya ayaa xilliyada qaarkood dilal gaadmo ah ka gaysta xaafadaha kala duwan ee Magaalada Muqdisho, iyadoo inta badan goobta ka baxsada.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...