Wednesday, May 6, 2026
30.9 C
Mogadishu

Faah-faahin cusub oo ku saabsan toogashadii ka dhacday Boosaaso iyo Wararkii ugu dambeeyay

Boosaaso (Halqaran.com) – Waxaa faah-faahin cusub ka soo baxaya toogasho ka dhacday Magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari, iyadoona loo gaystay askar ka tirsan ciidamada ammaanka ee ka hawlgala magaaladaasi.

Inta la xaqiijiyay hal askari ayaa ku dhintay toogashadan oo duhurnimadii Talaadada ka dhacday Bartamaha Magaalada Boosaaso, halka mid kalena uu ku dhaawacmay.

Goobjooge-yaal ayaa sheegay in rag bastoolado ku hubeysnaa ay si gaadmo ah u toogteen askartaan, oo ah kuwo la hawlgala Ciidamada Minishiibiyada ee Magaalada Boosaaso.

Ciidamada Booliska oo ku baxay goobta ay toogashadu ka dhacday ayaa ka qaaday meydka askariga la dilay iyo dhaawaca kan kale, iyadoo xaaladda askariga dhaawacmay lagula tacaalayo isbitaalka weyn ee Boosaaso.

Sidoo kale, goobjoogayaasha ayaa sheegay in Ciidamada Booliska ay halkaasi gaareen, mar ay baxsadeen dhagarqabe-yaashii falkaasi ka dambeeyay.

Saraakiisha Booliska iyo Maamulka Gobolka Bari ayaan wax war ah ka soo saarin toogashadan ugu dambeyay ee maanta ka dhacday Magaalada Boosaaso.

Magaalada Boosaaso ayaa waxay muddooyinkii ugu dambeysay la foollaneysay dilalka qorsheysan, ee ay aallaaba sheegtaan kooxaha mayalka adag.

Kooxaha Al-Shabaab iyo Daacish oo ku kala sugan labada daraf ee Magaalada Boosaaso ayaa waxaa inta badan lala xiriiriya dilalka qorsheysan ee ka dhaca Xarunta Gobolka Bari ee Boosaaso.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...