Mozambique (Halqaran.com) – Ciidamada Booliiska dalka Mozambique ayaa xiray 5 qof oo Soomaali ah oo looga shakisan yahay inay ka tirsan yihiin shabakad isku xiran oo afduub sameeya kana ganacsata maandooriyaha magaalada xeebta ku taal ee Beira ee gobolka Sofala.
Afhayeenka booliska Daniel Macuacua, ayaa sheegay in Soomaalida haysto Sharci ama aqoonsi oo been abuur ah.
Waraaqaha Aqoonsiga ayaa isugu jiray lix baasaboor oo Kenyan ah, 13 kaar oo magangalyada dalka Mozambique ah, toddobo waraaqo aqoonsi ah oo Mozambique iyo Kenya ah, iyo afar dukumentiyo oo Mozambique ah.
Sidoo kale, afhayeenka ayaa xusay in booliisku ay baarayaan shaqaalaha rayidka ah ee kooxda u fududeeyay soo gelitaanka iyo helitaanka dukumentiyada.
“Intii lagu jiray baaritaan dheeri ah, waxaa la ogaaday inay xiriir la leeyihiin qaar ka mid ah shaqaalaha Gudaha ah, kuwaas oo ay u badan tahay inay fududeeyeen soo saarista dukumentiyadan”, ayuu yiri Afhayeenka booliska Daniel Macuacua
Dalka Mozambique ayaa loo arkaa meel ay maraan kumanaan muhaajiriin ah oo sanad walba ka talaabaya xudduudaha dalka Koonfur Afrika, waana mid ka mid ah kuwa ugu sarreeya qaaradda.
Waxay aheyd bishii Oktoobar, Adeegga socdaalka Qaranka Mozambique ayaa xiray 53 muhaajiriin ah oo si sharci darro u joogay bartamaha Gobolka Tete ee dalka Mozambique.
Xafiiska Wararka HalQaran.com
Halqarannews@gmail.com





