Muqdisho(Halqaran.com) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa dalka dib ugu soo laabtay kaddib safar shaqo oo maalmihii la soo dhaafay ay ku joogeen dalka aan walaalaha nahay ee Isu-tagga Imaaraadka Carabta.
Madaxweynaha JFS ayaa inta uu ku sugnaa dalkaas waxa uu kulamo la qaatay Madaxweyne Maxamed Bin Saayid oo ay ka wada hadleen kor u qaadidda xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dal, fududeynta dal ku galka, isu socodka badeecadaha, kobcinta kaabeyaasha dhaqaalaha, horumarinta bangiyada iyo xoojinta maalgashiga dalkeenna.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan is-xog wareysi ahla qaatay jaaliyadda iyo ganacsatada Soomaaliyeed ee dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta, isagoo ka dhageystay warbixinno ku aaddan caqabadaha iyo tabashooyinka ay qabaan, waxa uuna sheegay in ay dowladdu dadaal ku bixineyso wax ka qabashada cabashooyinkooda.
Ugu Dambeyn Safarkii Madaxweynha JFS uu ku tegay Dalka Imaaraadka Carabta ayaa waxaa uu qorshihiisu ahaa inuu qaato laba maalmood, balse wuxuu qaatay 4 maalin, kadib markii qaar kamid ah wafdigiisa laga helay Cudurka COVID-19 Sida Wararka ay sheegayeen balse majiro wax xaqiijinaayo arinkaasi.



Xafiiska Wararka HalQaran.com
Halqarannews@gmail.com





