jiddah(Halqaran.com) –Xoghayaha Guud ee Ururka Iskaashiga dalalka Islaamka (OIC) danjire Xuseen Ibrahim Taha ayaa Warqadaha aqoonsiga Ergeynimo ka guddoomay Ergeyga cusub dowladda Federaalka Soomaaliya u fadhin doona Ururka (OIC) Ibraahim Aadan Muuse.
Munaasabadda gudbinta iyo guddoonka waraaqaha Aqoonsiga oo ka dhacday Xarunta Ururka ee magaalada jiddah ee dalka Sacuudi carabiya ayaa labada dhinac waxaa ay ka wada hadleen baahida loo qabo sidii loo horumarin lahaa siyaasadda iyo istiraajiidiyadda uu ururka (OIC) ugu talo galay xaqiijinta himilooyinka dunida islaamka.
Ergeyga Dowladda Federaalka Soomaaliya u qaabilsan ururka Iskashiga wadamada Islaamka(OIC),Waxa uu ka mahadceliyay sida ldiiran ee loo soo dhoweeyay, isagoo ballanqaaday in uu ku dadaali doono ballaarinta xiriirka iyo wax wada qabsiga.
Sido kale Xoghayaha Guud ee Ururka Iskaashiga wadamada Islaamka ee (OIC) Danjire Xuseen ibraahim (Daha) ayaa sheegay in maamulka Sare ee Ururka ay gacan weyn ku siin doonaan xilka loo soo magacaabay Dr ibraahim Aadan Muuse.
Ururkaan Iskaashiga Islaamka ayaa waxaa ku Midoobay ilaa 57 dal oo ah wadamada Islaamka, waxaana la Aas’aasay Sanadkii 1996-kii, iyada oo Soomaaliya laheyd fikradii lagu sameeyay Ururkaas.

Xafiiska Wararka HalQaran.com
Halqarannews@gmail.com





