Wednesday, April 22, 2026
26.4 C
Mogadishu

Muwaadin Soomaaliyeed oo lagu dilay Koonfur Afrika

Cape Town (Halqaran.com) – Burcad Koonfur Afrikan ah ayaa dukaan uu ku sugnaa kuweeraray Muwaadin Soomaaliyeed oo lagu Magacaabi jiray Catoosh Nuur Calasow, iyaga oo dhowr xabadood ku dhuftay.

Allaha u naxariisto Muqtaar ayaa dhaawac culus uu kasoo gaaray rasaasta lagu furay xilli uu ku sugnaa Goob Ganacsi uu kulahaa deegaanka Macassar Beach oo ka tirsan Magaalada Cape Town, waxaana dhaawicii gaaray uu ugu geeriyooday Isbitaalka degaanka Tygerberg.

“Isaga oo Macaamiisha Dukaanka Caawinaya, ayaa Kooxo Hubaysan ku amreen inuu Dukaanka furo, kadibna Afar xabadood oo aan Dhawaaqooda la maqlin ku dhuftay, Dhaawac daran ayuu ahaa, waxayna ka qaateen Mobile-kiisii iyo wixii lacago iyo Alaabo kale ah oo ay qaadan kareen wayna baxsadeen ka hor inta aan anaga iyo Booliska goobta te gin” ayuu yiri Abdikhani Ugaas oo kamid ah Dadkii ugu horeeyey ee soo qaaday Dhaawaca Catoosh.

Alle ha u naxariistee Catoosh Nuur Calasow oo Da’diisa aheyd 40-Sano jir, ayaa ahaa Qof aad looga yaqaano Magaalada Cape Town isaga oo sanado badan ku sugnaa dalka Koonfur Afrika oo ugu dambeyn lagu dilay.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...