Wednesday, April 22, 2026
26.4 C
Mogadishu

Booliska Soomaaliyeed oo soo saaray Amarro culus oo ka dhan ah Mooto Bajaajta

Muqdisho (Halqaran.com) – War ka soo baxay taliska ciidanka booliska Soomaaliyeed ayaa lagu sheegay in Mootada nooca Bajaajta aysan socon karin wixii ka dambeeya 12-ka habeennimo ee Saqdhexe (Lix Saac habeennimo).

Afhayeenka Booliska Soomaaliya Cabdifataax Aadan Xasan ayaa sheegay in arrintaan looga gol leeyahay in la xoojiyo howlgallada ay ciidamada ka wadaan magaalada Muqdisho, kaas oo ka dhan ah kooxaha Burcadda ah.

Cabdifataax Aadan Xasan oo Warbaahinta kula hadlay magaalada Muqdisho ayaa waxaa uu sheegay in uu geba-gabo yahay wajiga koowaad oo howlgalka loogu maga daray samakaab, kaas oo lagu soo qabtay kooxo burcad ah iyo kuwo waxyaabo maanka dooriya isticmaala.

Sidoo kale, Afhayeenka ayaa waxa uu sheegay in ciidamada Booliska Soomaaliya ay gacanta u hayaan Mootooyin Bajaaj dadka lagu dhici jiray iyo kuwa ka Ganacsan jiray waxyaabaha maanka dooriya oo laf dhabar u ahaa amnid arrada ka jirta Amniga Caasimadda Muqdisho.

Afhayeenka Booliska Soomaaliya Cabdifataax Aadan Xasan waxaa uu sheegay in Magaalada Muqdisho aan lagu arki karin Ciidamo hub ku dhex wata magaalada Muqdisho, marka laga reebo Ciidamada ka Shaqeeynaya sugida Amniga.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...