Wednesday, April 22, 2026
28.6 C
Mogadishu

Wararkii ugu dambeeyay dagaal khasaaro geystay oo ka dhacay Boosaaso

Boosaaso (Halqaran.com) – Ciidamo ka wada tirsan kuwa Maamulka Puntland gaar ahaan kuwa PMPF-ta & PSF-ta ayaa ku dagaalamaya afaafka hore ee garoonka diyaaradaha ee magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari.

Dagaalka labada Ciidan ayaa salka kuhaaya Ciidanka PSF oo doonayey in garoonka diyaaradaha Boosaaso laga soo dajiyo diyaarad ay lasocoto ku-simaha Madaxweynaha ahna guddoomiye ku-xigeenka 1aad ee Golaha Shacabka Sacdiyo Xaaji Samatar, laakiin ciidanka Imaaraatka uu tababaray ee PMPF ay diideen in diyaaradda ay dagto.

Dhimashada laba qof iyo dhaawacyo kala duwan ayaa la xaqiijiyay inuu ka dhashay iska hor imaadka dhexmaray Ciidamada PSF iyo PMPF ee Puntland.

Waxaa socda dadaallo lagu kala qaadayo ciidamada, kuwaas oo ay wadaan isimada dhaqanka.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...