South Afrika (Halqaran.com) – Wararka ka imaanaya dalka Koonfur Afrika ayaa sheegaya, in uu sii kordhay dilalka iyo dhibaatada ay la kulmaan dhallinyarada Soomaaliyeed ee howlaha ganacsiga u jooga dalkaasi, kaddib markii xalay halkaasi lagu dilay muwaadin Soomaaliyeed.
Muwaadinka Soomaaliyeed oo lagu magacaabi jiray Axmed Xasan Jacelow ayaa Kooxaha Burcada ah waxaa ay ku dileen meel aan ka fogeen Goobtiisa Ganacsi oo ku taalla Magaalada Port Elizabeth.
Kooxihii burcadda ahaa ee falka dilka ah gaysatay ayaa ka baxsaday goobtaasi, kadib markii ay toogteen Muwaadinkaan, sidoo kalena goobtiisa ganacsiga ay ka qaateen wixii agab ah oo yaalay.
Booliska Koonfur Afrika oo tagay goobta ayaanan ku guuleysan soo qabashada dambiilayaasha dilka gaystay, waxaana halkaasi maydka ka qaaday dhalinyaro Soomaali ah.
Waxaa muuqata in dowladda Koonfur Afrika ay raali ka tahay tacadiyada loo gaysanayo muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku nool dalkaasi, maadaama dilal kala duwan iyo tacadi ay la kulmayaan.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





