Monday, October 5, 2026
28.9 C
Mogadishu

Madaxweynaha Puntland ”Wasiir Goodax Barre waxba kalama socdo Waxbarashada dalka”

Muqdisho (Halqaran.com) – Waxaa isa-soo-taraya walaaca iyo tabashada dad badan ay ka qabaan natiijadii imtixaankii fasalka 12aad ee dhaawaan ay faafisay wasaaradda waxbarashada ee Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland, Mudane Saciid Cabdullaahi Deni ayaa si kulul uga hadlay Natiijadii dhawaan kasoo baxday Imtixaankii ay qaaday Wasaaradda Waxbarashada ee Soomaaliya.

Mr. Deni ayaa sheegay in Magaalada Muqdisho ay tahay caasimad ay ku nool yihiin dadkii ugu tayada wanaagsan dhanka macallimiinta, sidoo kale ku yaallaan iskuullo sanado badan shaqeynayay oo leh hanaan waxbarasho oo lagu kalsoonaan karo.

Madaxweynaha Puntland ayaa wax lala yaabo ku tilmaamay in la sheego in uu iskuullo la og yahay baahiyaha ay qabaan oo gobollada ku yaalla in kaalimaha koowaad ay galeen.

Saciid Cabdullaahi Deni ayaa ku tilmaamay Wasiir Goodax Barre mid aan waxba kala socon waxbarashada dalka, loona baahan yahay in uusan niyad jabin waalidiinta Carruurtooda lacagta wax kusoo baray.

Sidoo kale, wuxuu xusay, in markii horaba ay aheyd sharci daro in imtixaan ay qaado Wasaaradda dhexe xilli ay jiraan maamul goboleedyo.

Si kastaba ha’ahaatee, Waalidiinta, Aqoonyanada Soomaaliyeed iyo sidoo kale Siyaasiyiin muddo dheer kasoo shaqenayay waxbarashada dalka ayaa horay u sheegay in humaag badan uu ku jiro hanaanka Natiijadda ay shaacisay Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...