Wednesday, April 22, 2026
26.4 C
Mogadishu

Muslimiinta Caalamka oo dhan oo maanta u dabbaal-degaya Munaasabadda Ciidul Adxaa

Muqdisho (Halqaran.com) – Waxaa guud ahaan Ummadda Islaamka oo ku kala sugan daafaha caalamka ayaa si weyn ugu dabbaal degaya farxada maalinta Koowaad ee Ciidul Adxaa oo Sabtida maanta ah ku beegan.

Maalinka Tobonaad ee Bisha Carafo ayaa waxaa guud ahaan Muslimiinta ay u tahay maalin ay ku ciidayaan farxad.

Ummadda Islaamka ayaa subaxa hore ee Sabtidii maanta isugu imaaday Masaajidada iyo Garoomadda waa weyn, si ay u tukadaan Labada Rakacadood ee Salaada Ciidul Adxaa.

Shacabka muslimiinta ah ayaa isugu hambalyeynaya maalintan qiimaha badan, waxaana qaarkood ay isku booqanayaan guryaha, si ay muujiyaan farxada Ciidul Adxaa.

Malaayiin Xujey ah oo sanadkan gudaneysa Waajibaadka Xajka ayaa Jimcihii shalay istaagay Banka Carafo, halkaasi oo muslimiinta ku gudanayaan mid ka mid ah Rukniyada ugu muhiimsan Xajka.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...