Asmara (Halqaran.com) – Madaxweynaha JF Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo gelinkii dambe ee Sabtida maanta ka ambabaxay magalada Muqdisho ayaa gaaray magaalada Asmara ee dalka Eritrea.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa halkaasi uga billaabatay booqasho qaadan doonta illaa iyo afar maalmood.
Wasiirka Warfaafinta Eritrea Yemane Meskel ayaa qoraal uu soo dhigay twitter ku yiri ‘‘Isaga oo casuumad ka helay madaxweyne Isaias Afwerki, madaxweynaha JF Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa galabta Asmara ku yimid booqasho Afar maalmood ah. Madaxweyne Xasan iyo wafdigiisa waxaa si diiran u soo dhoweeyey madaxweyne Afwerki.”
Madaxtooyada Soomaaliya oo galabta qoraal ka soo saartay safarka madaxweynaha ayaa lagu yiri, “Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Madaxweyne Isaias Afwerki ayaa yeellan doona wada-hadallo dhinacyo badan taabanaya, iyaga oo si gaar ah u lafo-guri doona xiriirka iyo iskaashiga labada dal.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa intii uu xafiiska yimid bilaabay safarro dalka dibaddiisa ah kuwaasi oo looga dan leeyahay xoojinta iskaashiga ay Soomaaliya la leedahay caalamka.”


Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





