Muqdisho (Halqaran.com) – Madaxweynaha JF Soomaaliya iyo madaxda kale ee Dowladda ayaa Sabtidii saaka Salaadda Ciidda shacabka reer Muqdisho kula tukaday Masaajidka Cali Jimcaale oo dhawaan laga dhisay Muqdisho.
Madaxdii Madaxweynaha salaada ciida kula tukatay masaajidka Cali Jimcaale ayaa waxaa kamid ahaa, Raiisul wasaaraha Soomaaliya Mudane Xamze Cali Barre, Gudoomiyihii hore ee Baarlamaanka, Prof. Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, Wasiirro, Xildhibaano iyo masuuliyiin kale, ayaa dadweynaha kula tukaday Masaajidkan.
Ciidamada Dowladda Soomaaliya oo gacan ka helaya ciidamada Amisom, ayaa si wayn u adkeeyay ammaanka guud ee Masaajidka, waxayna xireen dhammaan waddooyinka soo gala masjidka, iyadoona dadka baaritaano adag la marsiinaayay.

Madaxweynaha Soomaaliya oo Salaadda kadib khudbad u jeediyay dadkii ku soo tukaday Masaajidka Isbahaysiga, ayaa marka hore waxaa uu dadka Soomaaliyeed uu ugu hambalyeeyay munaasabadda Ciidul Adxaa.
Wuxuuna Madaxweynaha ka waramay marxaladda uu dalka ku sugan yahay, gaar ahaan arrimaha ammaanka, dagaalka ka dhanka ah Ururka Al Shabaab iyo abaaraha baaxadda leh ee ku dhuftay dalka.
Madaxweynaha JF Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa umadda Soomaaliyeed ugu baaqay inay la shaqeeyan laamaha ammaanka, si loo xaqiijiyo buu yiri amniga guud ee dalka.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





