Wednesday, April 22, 2026
27.6 C
Mogadishu

Qaramada Midoobay oo Hambalyada Ciidda u dirtay Dhammaan Shacabka Soomaalida

Muqdisho (Halqaran.com) – War-saxaafadeed ka soo baxay Xafiiska Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Danjire James Swan ayaa hambalyo ku aaadan munasabadda Ciidul Adxaa u diray shacabka Soomaaliyeed.

Bahda Qaramada Midoobay ee Soomaaliya waxay dhammaan Soomaalida u rajaynayaan Ciid Wanaagsan.

“Hambalyo diirran oo ku aaddan Ciidul Adxaa ayaa idin kaga imaanaysa bahda Qaramada Midoobay ee Soomaaliya,” ayuu yiri James Swan, Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya.

“Waxaan dadka Soomaaliyeed kala qayb qaadanaynaa xuska maalintan iyo rajadooda ku aadan dib u heshiisiinta, naxariista, midnimada iyo nabadda. “Ciid Wanaagsan”

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...