Jowhar (Halqaran.com) – Musharaxiinta u taagan xilka Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabeelle iyo ku xigeenkiisa ayaa Talaadadii maanta khudbad u jeediyay Xildhibaanada baarlamaanka Hirshabeelle.
Inta badan xildhibaanada Hirshabeelle ayaa soo xaadiray kulanka.
Musharraxiinta khudbaddaha jeediyay ayaa kala ahaa :
Musharax Madaxweyne Kuxigeen Hirshabeele Maxamed Maxamuud Cabdule
Musharax Madaxweyne Ku Xigeen Hirshabeele Yuusuf Axmed Hagar Dabageed
Musharax Madaxweynaha Hirshabeele Cali Guudlaawe Xuseen
Musharax Madaxweyne Hirshabeele C/raxmaan Jimcaale Cismaan
Musharax Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabelle Cali Cabdulaahi Xuseen ayaa sheegay inuu ka shaqeyn doono sidii loo daadejin lahaa maamulka Hirshabelle uuna muwaadin walba oo reer Hirshabelle ah ay gaarto dowladnimada.
Ugu dambeyn, xildhibaanada baarlamaanka Hirshabeelle ayaa lagu wadaa in Arbacada berri ay soo doortaan Madaxweyne iyo madaxweyne ku xigeen cusub ee dowlad goboleedka Hirshabeelle.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





