Friday, April 17, 2026
29.7 C
Mogadishu

Musharraxiinta is-diiwaangeliyay ee Jubbaland oo si kulul u dhaliilay guddiga doorashada & Xaaladda oo..

Kismaayo (Halqaran.com) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ayaa sheegaya, in musharraxiintii is-diiwaangeliyay ee u taagan xilka madaxweynennimada maamulka Jubbaland ka soo horjeesteen in ay musharraxiinta aan diiwaangelinin waqti loogu daro si ay isku diiwaangelinyaan.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in maalmo kooban loogu darayo musharraxiinta mucaaradka si ay isu diiwaangeliyaan, inkastoo aan la hubin in ay isdiiwaan gelin Doonaan iyo in kale.

Xog hoose oo ay helayso Halqaran.com, ayaa tibaaxaya in musharaxiinta aan is diwaangalin in ay Wakiilka qaramada midoobey James Swan oo shalay la kulmay garabka musharaxiinta mucaaradka ay u sheegeen in ay is diiwaangeliyaan hanaanka doorashadana ay ka qeyb qaataan, iskana dhaafaan garab orodka natiijo la’aanta ah sharciyadana aan ku dhisneyn.

Doorashada maamulka Jubbaland oo uu loolan adag ku dhex marayo Madaxweyne Axmed Madoobe iyo Villa Soomaaliya oo awoodeeda iyo awood shisheeye midna ku liicin waysey hoggaamiyaha Jubbaland.

Maamulka Jubbaland ayaa iminka wajaheysa marxalad aad u adag, iyadoo maalinta Sabtida berri ah ay dhici doonta doorashada guddoomiyaha baarlamaanka labaad ee Jubbaland.

Xafiiska Halqaran.com, Kismaayo
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...