Friday, April 17, 2026
28.1 C
Mogadishu

AKHRI: Beesha Caalamka oo warbixin xasaasi ah ka soo saartay Doorashada Jubbaland (Maxaa cusub?)

Kismaayo (Halqaran.com) – Wakiillada Midowga Afrika, IGAD iyo Qaramada Midoobay oo Khamiistii shalay booqasho ku tagay Magaalada Kimaayo ayaa si wadajira warbixin uga soo saaray xaaladda murugsan ee ka taagan Jubbaland.

Wakiilladan ayaa ka digay in haddii aan xaaladda cakiran xal loo helin ay xasilooni darro u horseedi karto Maamulka Jubbaland, waxayna ku baaqeen in xasiloonida Jubbaland la ilaaliyo.

Warbixinta ay sida wadajirka ah ay u soo saareen wakiiladan ayaa waxay ku sheegeen in hannaan keliya loo maro Doorashada Madaxtinimada Jubbaland, islamarkaana ay doorashadu noqoto mid loo dhan yahay.

Wakiillada ayaa sidoo kale, waxay dhinacyada Jubbaland isu haya ay ugu baaqeen in ay ka fogaadan wax kasta oo keeni kara in la dagaallamo, loona baahan yahay in khilaafkoodu ku xaliyan si nabdoon.

Warbixinta Wakiilada Midowga Afrika, IGAD iyo Qaramada Midoobay ayaa waxay timid, markii ay Magaalada Kismaayo Khamiistii kula kulmeen Madaxda Jubbaland iyo siyaasiyiinta mucaaradka.

Isniinta soo socoto oo ah 19-ka August ayaa waxaa magaalada Kismaayo lagu wadaa in lagu doorto Madaxweynaha xiga ee Jubbaland, walow midowga musharaxiinta ay ka horyimaadeen hanaanka ay doorashada u qaban qaabiyeen guddiga doorashada Jubbaland.

Xafiiska Halqaran.com, Kismaayo
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...