DAAWO SAWIRKA: Haweeney iyo Saddex Nin oo Shabaab ahaa oo Dil mas’uul sare geysan rabay oo lagu toogtay Muqdisho

h
Taliye ku xigeenka Ciidanka booliska, Zakiye Xuseen /Sawir Keydka Halqaran.com

Muqdisho (Halqaran.com) – Ciidamadda ammaanka ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Jimcihii maanta isgoyska Bakaaraga ee magaaladda Muqdisho ku toogtay Afar ruux oo midi haweeney ay aheyd oo la sheegay in ay ka tirsanaayeen maleeshiyaadka Al-Shabaab.

Taliye ku xigeenka Ciidanka booliska, Zakiye Xuseen, ayaa sheegtay, in xubnahaan ay doonayay in ay dilaan agaasime ka tirsan wasaaradda waxbarashadda Xukuumadda Soomaaliya.

”Ciidanka boliiska degmada Howlwadaag ayaa ku guuleystay in ay ka hortagaan isku day dil lala beegsan rabay Agaasimaha Howlaha Wasarada Waxbarashada Mudane Cabdi Gare, israsaaseyn ka dib waxay ciidamada toogteen dhagarqabayaasha oo ahaa 3 wiilal iyo hal haweeney oo hubka u siday” ayay tiri taliye Zakiya Xuseen.

Ciidamada ammaanka ee dowladda Soomaaliya, ayaa isla markiiba goobta ku soo bandhigay, meydadka xubnahaasi ak tirsanaa maleeshiyaadka Al-Shabaab. Waxaana goobta ku sugnaa mas’uuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Banaadir iyo mas’uuliyiin kale.

Al-Shabaab ayaa muddooyinkii dambe kordhiyay, dagaalka ay kula jirto dowladda Soomaaliya, iyadoo dilal qorsheysan iyo weerar is-qarxin ah la beegsato ciidamada iyo mas’uuliyiinta dowladda.

Xafiiska Halqaran.com, Muqdisho
Halqarannews@gmail.com